Madaxweyne Deni oo booqasho ku tagaya Maraykanka

Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo,ayaa u anba baxaya Maraykanka.

Casuumad rasmi ah,ayuu ka helay Wasaarada Arimaha dibada iyo Jaaliyada Maraykanka Madaxweynaha Dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliyed sida ilo xog ogaal ah ay noo xaqiijeen.

“Waa booqasho muhiim u ah dib udhiska Dowladnimada Somaliya”Ayuu yiri mid ka mid Saraakiisha Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni,waxuu kula kulmi doonaa Maraykanka…

1.Wasaarada Arimaha Dibada

2.Gaashaandhiga.

3.Kongereska.

4.Jaaliyada Somalida.

Socdaalka Madaxweynaha,ayaa la filayaa in uu noqdo Bartamaha Bisha soo socota ee October.