Baarlamaanka Somaliland oo go’aamiyay in isku mar la qabto Doorashada Madaxweynaha iyo Asxaabta

Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa goor dhawayd ansixiyay in isku mar la qabto Doorashooyinka Madaxwaynaha Iyo kuwa ay ku soo baxayaan asxaabta cusub ee Siyaasadu.

Arintan ayay dhawaan ku taliyeen qaar ka mid ah ganacsatada waawayn oo dhexdhexaadin ka galay khilaafaadka xooga leh ee u dhexeeya dawlada Somaliland Iyo axsaabta mucaaradka ahi

Go’aankan ay gaadheen golaha wakiiladu ayaa waxaa la hubaa in ay soo dhawaynayaan axsaabta mucaaradka ahi, laakiin weli dawladu wax jawaab ah kamay bixinin.

Dawladu waxaa ay doonaysay in la hor qabto doorashooyinka lagu kala reebayo ururada siyaasada, halka ay mucaaradkuna doonayeen in ay soo horeeyaan doorashoyinka Madaxwaynenimadu.