Puntland iyo Booliska Qaramada midoobey oo kulmay

Wasiir Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa kulan kula qaatay Taliyaha Booliiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNPOL) Mr. Ralf Schroeder.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ogala shaqayn lahayeen Puntland hormarinta Booliiska si loo adkeeyo nabada iyo xasiloonida Puntland ka jirta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay qorshaha UNPOL ee Puntland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa hawlaha horutabinta leh ee Wasaaradda Amniga.

-DHAMMAD-
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-galinta Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland.