Duqa cusub Ee Caasimada Garowe oo xilkii la wareegay

Maanta waxaan si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Degmada Garowe,waxaan u mahadcelinaya Guddoomiyihii hore iyo Dadkii lasoo shaqeeyay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Masuuliyiinta Gobolka, Laamaha Amniga, Isimada, Waxgaradka, Hay’adaha taageera Degmada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.

Mudenayaal iyo Marwooyin waxaan ka shaqeyn doonaa Sidii aan Caasimadda Garowe ugasii horumarin lahaa maanta meesha ay joogto, waxaan ka wada shaqeyn doonnaa Garowe cagaaran, bilicdeeduna sareyso horumarsan isla markaana shacabkeedu ay soo doortaan Golaheeda Deegaanka.

Shacabka qeybihihiisa kala duwan waxaa inoo ballan ah wadashaqeyn ku dhisan danta Guud iyo in Qof walba isi saaro masuuliyad, si inagoo gacmaha is haysana aynu wadajir Garowe u geyno meesha ay istaahisho.

Garoowe Cagaaran,ayaa inoo ballan ah, Insha Allah.

Guuleysta.