Erdogan oo xaqiijiyay in Putin rabo joojinta dagaalka Ukrain

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in hoggaamiyaha Ruushka uu raadinayo sidii uu kusoo afjari lahaa dagaalka Ukraine, arrintaas “oo ah tallaabo saameyn leh ahna” mid la hirgelin doono.

Waxa uu sheegay Erdogan in kulankii wadahadalka ahaa ee uu dhawaan la yeeshay Vladimir Putin uu wajigiisa ka dareemay inuu rabay “inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u joojiyo dagaalka”.

Ukraine ayaa bishan dib u qabsatay qeybo badan oo dhulkeeda ah oo ay horay ula wareegeen ciidanka Ruushka.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa bidhaamiyay waxyaabao “dhib ku noqday” Ruushka.

Erdogan ayaa sheegay in uu “wadahadal aad u weyn oo dhinacyo badan taabanaya” la yeeshay Putin oo ay isku arkeen shir isbuucii la soo dhaafay ka dhacay Uzbekistan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta laga leeyahay Mareykanka ee PBS ayuu madaxweynaha Turkiga ku sheegay in uu wax walba ka aqristay wejiga madaxweynaha Ruushka.

“Waxa uu runtii muujinayay inuu aad u rabo joojinta dagaalka, weliba si degdeg ah,” ayuu yiri Erdogan. “Arrintaas ayaan ka dareemay, sababtoo ah sida ay hadda wax u socdaan waxaa ku jira xoogaa dhib ah.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in 200 “oo maxbuus” la filayo inay mar dhow kala beddeshaan labada dhinac.

Hase yeeshee, faahfaahin dheeri ah kama uusan bixin cidda ka mid noqon doonta maxaabiis isweydaarsiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa in muddo ah ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya dagaalka Ukraine, isagoo abuuray boos dheellitiran oo uu taagan yahay Turkiga oo xubin ka ah isbaheysiga Nato, waxa uuna kasoo horjeestay cunaqabateynta ay Reer Galbeedku kusoo rogeen Ruushka.

Waxa uu gacan ka geystay in Qaramada Midoobay ay labada dhinac ku qanciso dib u billaabidda dhoofinta raashinka laga qaado Ukraine. Isbuucii lasoo dhaafay waxa uu Erdogan sheegay in uu isku dayayay hirgelinta xabbad-joojin toos ah.