Banaanbaxyo looga soo horjeedo qorshaha dagaal Ee Putin oo ka bilowday Ruushka

Boqolaal Qof,ayaa mas’uuliyiintu xirxireen iyadoo mudaaharaadyo looga soo horjeedo “abaabulka uu wado madaxweyne Putin ay ka socdaan dalka oo dhan, sida ay sheegtay hay’ad madaxbannaan oo u dooda xuquuqda aadanaha.

OVD-Info ayaa sheegtay in 724 qof lagu xiray 32 magaalo oo kala duwan Sabtidii.

Mudaaharaadyo baahsan ayaa billowday tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhawaaqay qorshe lagu diyaarinayo 300,000 oo rag ah si ay uga dagaalamaan Ukraine. Isku soo baxyada aan sharciyeysneyn ayaa mamnuuc ka ah dalka Ruushka.

Laakin tillaabada Mr Putin uu ku doonayo in dadka rayidka ah ay uga mid noqdaan ciidamada milatariga ayaa dhalisay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay magaalooyinka, iyadoo in ka badan 1,000 qof lagu xiray mudaaharaadyo horraantii toddobaadkan dhacay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay inuu goob joog u ahaa mid ka mid ah dibad-baxayaasha ku sugan magaalada Moscow, oo ku qaylinaya erayo ka dhana Putin” iyadoo ay niinkaas xireen saraakiishu markii dambe.

St Petersburg, magaalada labaad ee Ruushka, hal nin ayaa u sheegay wariyaasha: “Ma doonayo inaan dagaal u galo Putin.”

Natalya Dubova oo 70 jir ah ayaa iyana u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in ay ka soo horjeedo dagaalka ayna qiratay in ay “ka baqeyso dhallinyarada” in lagu amro jiidda hore ee dagaalka. Qaar ka mid ah dadkii Sabtidii la xiray ayaa sheegay in la siiyay warqado, laguna amray inay iska xaadiriyaan xarumaha qoristu ay ka socoto. Aqalka Kremlin-ka ayaa difaacay dhaqankan horraantii isbuucan, isagoo ku doodaya in tallabadaani aaney ahayn mid ah lid ku ah shuruucda “ma ahan mid sharciga ka soo horjeeda.”