Madaxtooyada PL oo ku guulaysatay kala daadinta Mooshino la abaabulay

34-Xildhibaan ayay abaabuleen Xasan Shire iyo Maxamuud Shido,kuwaasoo loo dhiibay Mooshino kalsoonida loogala laabanayo Wasiirada iyo Gudiga Doorashada Puntlabd.

Dadaal badan oo ay Dowladu samaysay kadib waa la furfuray iskudayadaas,waxaana soo xarooday 17-Xildhibaan,halkaasna,waxaa ku burburay Mooshinadii lasoo abaabulay.

Dhanka kale Waxgarad,Aqoonyahano iyo haldoor kasoo jeeda Beesha Wasiirkii hore ee Maaliyada,ayaa cadaadis xoog badan saaray Maxamuud,Xasan iyo Labada Isin.

Cadaadiska,ayaa ahaa in aan wax kicin ah la samayn oo Xasan si qurux badan xilka uwareejiyo,waana shaqeeyay dadaalkii haldoorkaas.

Xasan Shire oo sheeganayay dhaqaale dayn ah oo uga baxay dib uhabayntii Ciidamada,waxay wada hadleen Madaxweynaha.

Beri furitaanka Baarlamaanku si caadiya,ayuu udhacayaa hadii rabi idmo.

Jibril Qoobey.