Waa wax cajiib ah Ra’isalwasaarihii oo la hadlaya Talye Macawisley?

Waa wax cajiib ah Ra’isalwasaarihii oo la hadlaya Talye Macawisley??

Meeyay Talyihii Ciidamada Mileteriga?

Meeyay Talyihii Daraawiishta Hir-shabelle?

Meeyay Talyihii Daraawiishta Galmudug?

Meeye Wasiiradii Amniga ee Maamulada?

Maxay tahay sababta loo baal marayo nidaamka?

Maxaa lagu doortay qorshaha hab Beeleedka?

Maxaa Umada dib loogu celiyay Qabaa’iladii?

Qorshahan,waxuu noqon doonaa Laba midkood…

1.Mid ujeedo guracan oo soo bixi doonta laga leeyahay.

2.Mid laab lakac,iska orod iyo mashquulin Shacab ah ku dhisan.

Ilaa iyo hada dagaalka Macawisleyda markii la qiimeeyo waxaa ka muuqata khibrad xumada iyo qorsha la’aanta la tilmaamayo.

Dhul balaaran,ayaa Shabaab laga qabsaday ayay soo gudbinayaan mana jirto dhimasho,Dhaawac iyo Maxaabiis la taaban karo oo laga qabtay.

Shabaab waa iskaga baxeen oo sii baneeyeen Deegaan walba oo lagu soo dhawaado.

Macawisleyda waxay wataan ilaa 40-Tikniko ah,kuwaasoo ay Deegaan walba 5-ku reebayaan.

Shabaab qorshahoodu waa in iyagoo xoogan oo dhimasho iyo dhaawac badan soo gaarin ay hadba weeraraan 5-taas meelaha lagu dhaafay.

Ugu danbayn,waxaa adkaan doonta in Maleeshiyada Macawisleydu dib usoo laabtaan oo Shabaab dhexda gashtaan.

Qorshahan waxuu umuuqdaa mid lagu sii libdhinayo Dowladnimadii awalba Godka ku jirtay.

Jibril Qoobey.