Aadan bare oo noqday Wasiirka Gaashaandhiga Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto,ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha Golihiisa Wasiirrada.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale,ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo Wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Xubnaha kale ee Golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.