Alshabaab oo laayay Shacab Ceel Biyood qodanayay

Ugu yaraan 10-Qof,ayaa sida ay wararku sheegayaan ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Geriley oo u dhaxeysa Garabahaarrey iyo Ceelwaaq,halkaasoo ceel laga qodayey.

Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Cabdulle Warsame,ayaa weerarkaasi oo saaka aroortii ka dhacay xaqiijiyey.

Guddoomiyuhu,waxuu beeniyay in ay Dadka dhintay ajaanib ku jireen oo ay yihiin dadki shacabka ahaa ee deganaa Gerileey oo Ceel qodanayey.

“Meeshan waxaa ku dhintay 11 ruux oo shacabkii Geriley ah oo 9 ay rag tahay 2 ay dumar tahay dad ajaanib ah kuma jiraan dadka dhintay…Arrinkaa wuxuu dhacay 5-tii subaxnimo ee saaka aniguna goobta iyada ahaan joogay awood tira badan bey na soo saareen inta gurmadka darawiishta Jubbaland nooga imaaneysay annaga iyo iyaga halkii iyada ahayd baan isku haysannay waxay nala dhaceen qoryaha Jiibka, RBJ-7, Jiib gacmeedka iyo Qoriga darandoorriiga u dhaca ee BKM,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Degmadaasi Maxamuud Cabdulle Warsame.

Wuxuu sida oo kale Guddoomiyuhu sheegay in halkaasi uu ku gubtay Gaarigii Riigga ahaa ee Ceelka qodayey.