Itoobiya oo sheegaysa in ay dhoofinayso Qamadiga xili weli loogu deeqayo Qamadi

Masuuliyiin uu horkacayo Raiisulwasaare Abiy Axmed,ayaa booqday dhul Beereedka Qamadiga ee Tulli Guuleed ee Gobolka Faafan.

Waxaa booqashada Raiisulwasaaraha ku weheliya Madaxweynayaasha Deegaanada iyo xubnaha Gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.

” Waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadiga inaga iska dhaafe xitaa dadka kale ku filan,Waddadeediina waan haynaa, waxaana tusaale inoogu filan Deegaanka Somalida, waxaa abuurmay jawi aan halkii hektar uga soo saari karno 40-kiintaal”.

Waxa uu intaa ku daray in sannadkan 2015 la qorsheeyay in qamadiga laga Beero 1.3 milyan oo hektar si looga soo saaro 52-milyan oo kiintaal.

Todobaadkii hore ayey aheyd markay dowlada itoobiya sheegtay in ay Qamadiga udhoofin doonto kenya halka maalinti Khamiista uu Markabki Lixaad oo sida qamadi caawi ah oo loogu talagay Itoobiya kasoo baxay dalka Ukrain