Ciidamada Itoobiya iyo Eretereya oo Laba jiho oo cusub ka weeraray Tplf

Adhikat,waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo udhaxeeya Ciidamada Eretria,Itoobiya oo wada socda iyo Ciidanka xooga difaaca Tigreega.

Ciidamada Huwanta ah,ayaa kasoo gudbay Webiga Tekese ee xadka Eretriya,waxayna kusoo wajahan magaalada Shire.

Ciidamada huwanka ah,ayaa Laba jiho kasoo weeraray Ciidamada Tigreega,kuwaasoo kal ah Adhigat iyo Shiraro.

Ciidamada TPLF,ayaa duulaanka Huwanta kala hortagay difaac aad uculus oo faraha la iskula tagay.

Dhanka Galbeedka Tigree waxa ka socda dagaal culus oo udhaxeeya Labada Ciidan.

Ilaa iyo hada Ciidamada Tigreegu waxay ku jiraan difaac adag oo la jiiri waayay.

Ciidamadii ugu awooda iyo tirada badnaa oo Eretereyaan ah,ayaaa lageeyay Aaga Humera Xadka Sudan si ay difaac uga jabsadaan kuwa Eretereya,maadaama dhanka Amxaarada iyo Canfar looga awood roonan waayey oo ay galeen Buuro ku wanaagsan dagaalka.