Ruushka oo Ukraine ku qaaday mid ka mida weerarradii ugu cuslaa muddooyinkan

Ruushka ayaa gantaallo ku garaacay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, taas oo qayb ka ah, weeraro aargudasho ah oo uu doonayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, inuu kaga jawaabo, weerarkii dhowaan lala beegsaday buundada isku xidha Crimea iyo dhulweynaha Ruushka.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu duqayntiisa u isticmaalay, illaa 84 gantaal oo ah nooca meelaha durugsan laga hago iyo weliba duqaymo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday ugu yaraan 14 goobood oo dalkaas ku yaal.

Inta badan weeraradii ka dhacay, caasimadda Kyiv ayaa ahaa kuwo la bartilmaameedsaday, badhtamaha magaalada, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen illaa 12 qof oo kale.

Ukraine ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen weeraro kale oo ka dhacay goobo kala geddisan oo ku yaalla dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo xulafada reer galbeedka ayaa si deg deg ah u cambaareeyay weerarada waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan inay hubka u diraan ciidamada Kyiv si ay isaga caabbiyaan duulaanka Moscow, oo hadda ku jira bishii sideedaad.

Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gantaalladii ugu dambeeyey ee uu Ruushku u isticmaalo weerarkiisa, inay ahaayeen kuwo muujinaya, naxariisdarrada dhabta ah ee duulaanka sharci-darrada ah ee Putin uu ku hayo dalka Ukraine.

Putin ayaa shir uu isugu yeedhay golihiisa ammaanka, wuxuu ku sheegay in weerarkan lala beegsaday kaabayaasha tamarta, milateriga iyo isgaadhsiinta ee Ukraine, ayna jawaab u yihiin weerarkii Sabtidii lagu qaaday buundada isku xidha Ruushka iyo Crimea.

VOA

IDIL NEWS