Guddoomiye Aadan Madoobe oo booqday xarunta Maxkamadda ICJ + Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo weli ku jira booqashadiisa magaalada The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ. Marwo Joan E. Donoghue.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyadoo la qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa iyo qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa Marwo Joan E. Donoghue oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, uga mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey ayaa xusay in maxkamadda ay gacan ka geeysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaadda garsoorka dalka.

IDIL NEWS