G/Sare Muumin oo loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Banaadir

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa G/sare Mahadi Cumar Muumin u magacaabay Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

G/sare Mahadi ayaa ah khabiir dhanka ammaanka ah oo in muda ah kasoo shaqeynayay Amniga, isagoo soo noqday Taliyaha Hay’adda NISA ee Galmudug. Waxaana magacaabistiisa la hadal-hayay muddooyinkii u dambeeyay.

Taliyaha cusub ayaa bedeli doona AUN Gen. Farxaan Maxamuud Qaroole, oo dhowaan lagu dilay qarax lagula beegsaday agagaarka deegaanka Basra.

IDIL NEWS