Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray Aqalka Gobalka Banaadir + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Aqalka dawladda hoose ee Muqdisho, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona u kuur galay shaqooyinka loo haayo Bulshada ku dhaqan Caasimada.

Kulan ay wada qaateen Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo shaqooyinka loo haayo Bulshada Caasimada.

IDIL NEWS