Reer Galbeedka oo Eretereya usheegay in ay Ciidamadeeda kala baxdo Waqooyiga Itoobiya

Dalalka kala ah Australia,Denmarka,Germany,Netherland,UK iyo Maryakanka,ayaa bayaan ay Wadajir usoo saareen waxay ugu baaqeen Dowlada Eretereya in ay kala baxdo Ciidamadeeda Waqooyoga Itoobiya.

Reer Galbeedka,ayaa baayaankooda ku sheegay in colaada itoobiya xalka kaliya ee lagu xalin karo uu yahay wada xaajood.

Sidoo kale Dowlada Dhexe ee Itoobiya iyo hogaaminta TPLF ayey u soo jeediyeen in ay dagaalka joojiyaan oo ay wada hadaladii Middawga Afrika dib u furaan.