Muxuu Wasiir Dhabancad kala hadlay Ganacsatada Reer Puntland ee Boosaaso ? + Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiirka Dekadaha Axmed Yaasiin, Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Agaasime kuxigeenka Wasaaradda ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir oo hawlo shaqo u joog Magaalada Bosaaso ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Ganacsatada. Shirka waxaa kaloo ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Saraakiil ka tirsan Wasaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta ganacsatada iyo Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyadoo layska kaashanayo sare u qaadista dhaqaalaha, adkeynta bixinta canshuuraha, hagaajinta adeegyada sahlaya fududeynta hawlaha furdada Bosaaso, habsami u socodka dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

Ganacsatada ayaa Dowladda Puntland ku ammaantay dayactirka jidka laamiga ah oo Dowladdu ku maalgalisay canshuurta laga qaaday ganacsatada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa dhankiisa ganacsatada ku ammaanay doorkooda bixinta cashuurta ku waajibtay, Dowladduna ay shacabka dib ugu celiso. Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaradda Maaliyaddu ay si dhow u la shaqeynayso ganacsatada si kor loogu qaado fursadaha ganacsi iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi si loo abuuro dakhli Dowladeed oo loogu adeego shacabka Reer Puntland.