VIDEO: Ciise Dhoolawaa “Faroole iyo Gaas waa in ay ka fiirsadaan hadalada kasoo baxaya”

Ciise Dhoolawaa, oo horey xilal uga soo qabtay Puntland, kana mid ah aqoonyahanada deegaanka ayaa ka hadlay hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, isagoo taageeray qabsoomida doorashooyinka qof iyo codka ah ee loo madlan yahay inay ka dhacdo degmooyinka Puntland.

Ciise Dhoolawaa ayaa ugu baaqay dawladda inay cadeyso qorshaheeda ku aadan nidaamkan oo 80% hirgelintiisa iyada laga rabo, uuna Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni horyimaado bulshada kana jawaabo tuhunada la qabto.

Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, ayuu ugu baaqay inay sii wadaan hadalada ay uga soo horjeedaan hannaanka dilmuquraadiyeynta, waxaana uu u soo jeediyay inay aqoonsadaan maqaamkooda.