Dowlada Puntland oo lagu dhaliilay xiriirkeeda Saxaafada

Dowlada Puntland Shalay,waxaa uqabsoomay Shir macno badan uleh hirgelinta Dimuqraadiyada.

Balse nasiibdarada dhacday,ayaa waxay tahay in Bulshada laga gedi waayay Shirka maqaamkaas leh oo Saxaafadii ka aamustay.

Laga soo bilaabo Madaxweyne Deni ilaa Wasiiradiisa majirto hal Albaab oo Saxaafada ufuran.

Wasiirada Deni waa mid aan Shacabka xog dhaamin iyo mid aan meelna la haysan.

Saxaafada gudaha,waa muhiim waxayna rabtaa karaamayn iyo xiriirin joogta ah kumana qabto Dowlada Deni.

Halka Siyaasiyiinta raba in ay fashiliyaan Dimuqraadiyada ay Saxaafada wax walba la daba taagan yihiin.

Gudigii Doorashada ee loo kala diray Gobolada si ay udiyaariyaan Jeesooyinka wax xiriir ah lama leh Saxaafada.

Dowlada iyo Shacabka waxaa udhaxeeya Saxaafada ee Dowlada Deni Albaabada ha ufurto.