Xasan Shiikh oo si qarsoodiya ugu saxiixay Boloogyadii Shidaalka Shirkada Coastline Explorations oo loo yaqaan SOMA OIL

Saakay Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu si rasmi ah ugu saxiixay Shirkada Coastline Explorations oo loo yaqaan SOMA OIL 7-dii Boloog ee Shidaalka.

Wafti ka socda Shirkadaas,ayaa yimid Villa Somaliya qaatayna Saxiixa Bologyadaas.

Shirkadan,waxaa horay heshiiskeeda uburiyay Madaxweyne Farmaajo,Ra’isalwasaare Rooble,Golihii Wasiirada iyo Baarlamaankii xiligaas.

Sidoo kale Puntland,ayaa ka hor timid heshiiskaas oo meel adag ka istaagtay.

Waxa iswaydiinta mudan waxay tahay,iyadoon dib looga wada xaajoon heshiiskaas oo aan la hor keenin Golaha Wasiirada,Baarlamaanka iyo DG in Shirkadii Shalay la xaraantimeeyay heshiiskeeda shuruud la’aan daqiiqado kulan socday lagu siiyo isla heshiiskii.

Madaxweyne Xasan,waxuu ugu cod dheeraa Siyaasiyiintii xiligaas naqdinayay heshiiskii lala galay Shirkadan uu saakay si kaligiis ah dib ugu siiyay heshiiska Shidaalka.

Saxiixa Heshiiskan,waxuu dhacayaa,iyadoo Ra’isalwasaarihii Fulinta hawshan lahaa lagu mashquuliyay booqasho uu ku marayo Dhulka Somaliyed ee Itoobiya Gumaystihu raaciyay iyo Beledweyn.

Sidoo kale,waxaa socda qorshe Baarlamaanka lagu fasaxayo Lix Bilood,Dalkana loo gelinayo Amar deg-deg ah oo la dagaalan argagixiso ah si uusan u imaan isla xisaabtan.

Qorshaha ugu weynaa ee laga lahaa dagaalka Macawisleyda,waxuu ahaa in Bulshada iyo Siyaasiyiinta laga jeediyo heshiiskan xasaasiga ah ee Shidaalka.

Jibril Qoobey.