Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo weftigiisa oo Casho sharaf loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wafti uu hogaaminayo oo galabta booqasho ku yimi Garoowe.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana kulanka Cashada kadib Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida lagu maamusay xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Madaxtooyada Puntland.