Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee daadadkii kusoo rogmaday Qardho

Dadaalo lagu samata-bixinayo dadka ay saameeyeen daadadkii xalay kusoo rogmaday magaalada Qardho ayaa weli ka soconaya magaaladaas.

Inta la hubo hal ruux ayaa ku geeryooday daadadka Qardho, waxaana sidoo kale ku burburtay hanti fara-badan, sida ganacsiyo ay biyuhu galeen iyo guryo ku dumay.

Dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa laga soo badbaadiyay biyaha oo guryahooda buux dhaafiyay, iyadoo looga soo saaray cagafyo.

Maamulka gobalka Karkaar ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaalada loogu gurmanayo dadka shacabka, ayna marka ay soo dhamaato sameyn doonaan qiimeyn ku aadan baaxada khasaaraha.

Bishii April, 2020kii, ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Qardho ay kusoo rogmadeen daadad xooggan, waxaana dawladda oo kaashanaysa bulshada Puntland ay gurmad deg-deg ah u fidisay shacabka waxyeeladu kasoo gaartay daadadka, kuwaas oo dib u dajin loo sameeyay.