Dil lagu fuliyay Rag katirsan kooxda Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo nin oo katirsanaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ragga dilka lagu fuliyay oo lagu kala magacaabi jiray Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, ayaa horey maxkamaddu ugu heshay inay dilal ka geysan jireen magaalada Muqdisho, iyadoo ku riday xukun dil ah.

Labada nin ee dilka lagu fuliyay ayaa Al-Shabaab katirsanaa tan iyo 2014kii, waxaana gudaha kooxda looga yaqaanay Axmed iyo Qoono.