Qatar oo si weyn loogu dhaleeceeyay xuquuqda Shaqaalaha iyo Sharciyada Bulsho

Qatar,ayaa la kulantay dhaleecayn aan horay loo arag tan iyo markii ay ku guuleysatay tartanka martigelinta Koobka Adduunka ee 2022, kuwaas oo qaarkood ay noqdeen aflagaado, sida uu Talaadadii sheegay Amiirka Qatar, Amiir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani.

Wadankii ugu horreeyay  Bariga Dhexe ee martigeliya Koobka Adduunka,ayaa si weyn oo heer caalami ah loogu dhaleeceeyay sida ay ula dhaqanto shaqaalaha Ajanabiga ah iyo Sharciyada xaddidan ee bulshada.

“Markii hore si niyadsami ah ayaan arrinta uwajahnay oo dhaleecaymihii hore qaarkood waxay ahaayeen kuwo wax dhisaya,balse ololaha danbe waxas ku jira been abuur iyo laba wajiilayn aad u foolxun oo keentay in aan iswaydiino sababaha dhabta ah iyo ujeedooyinka ka danbeeya ololahan”Ayuu yiri Amiirka Qatar.

Guud ahaan Wadamada Khaliijka Carabta ee Saliida hodanka ku ah iyo gaar ahaan Qatar,ayaa leh Sharciyo khatar ku ah xuwuuqda bini’aadanka,Shaqaalaha iyo Nolosha caadiga ah ee Bulshada,waxaana aad uhooseeya karaamaynta Qofka bini’aadanka ah.

Amiirka,ayaa khudbad ka jeedinayay fadhiga Golaha Shuurada ee la talinta Khaliijka Carabta.

Doha,ayaa isku diyaarinayso martigelinta munaasabadda kubbadda Cagta Adduunka ugu weyn, taasoo billaabanaysa 20-ka Nov.