Maxkamada sare Ee Puntland oo Baarlamaanka la horkeenayo

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo jeedinayay khudbada Dastuuriga ah ee furitaanka Baarlamaanka Puntland,ayaa sheegay in uu beri soo gudbinayo Xubnihii Maxkamadii Sare.

Sidoo kale Maxkamadii Dastuuriga ahayd,ayuu sheegay in dhankiisa Xubnihii laga rabay ay ka diyaar yihiin oo uu sugayo kuwii dhanka Baarlamaanka ka imaanayay.

Magacaabista Xubnaha Maxkamadaha kala duwan,ayaa muhiimka u ah hirgelinta Dimuqraadiyada.

Sida la filayo Labada heer ee Maxkamadaha,ayaa lagu ansixin doonaa Kal-fadhigan Baarlamaanka ee Maanta furmay.