Gudoomiyaha Baarlamaanka PL ma waxuu qayb ka yahay fashilinta Dimuqraadiyaynta?

Abwaan Jibriil Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ma waxuu qayb ka yahay Xubnaha xagal daacinaya Dimuqraadiyaynta?

Ma’ahan wax iska caadiya in Ajandaha Kal-fadhigan ee Golaha lagu soo daro uyeerida Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Tpec.

Waxaa jira Xildhibaano Lacag lagu siiyay in ay abaabulaan Mooshin ka dhan ah W.Arimaha Gudaha iyo Gudiga Doorashada.

Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland waxay si weyn ugu xiran yihiin ama usoo dhaqaalaystay Maxamuud Shido,sida ay xaqiijinayaan Xildhibaano ka gaabsaday in ay toos uhadlaan.

“Waa muhiim in Abwaan Jibril mawqifkiisa Dimuqraadiyaynta ay cadahay,isla markaana ay meesha ka baxdo wal-walka uu ka qabo Kursigiisa mustaqbalka hadii Cod iyo Qof loo gudbo”Sidaa waxaa qaba haldoor door ah oo reer Puntland ah.