Saw dhiirigelin uma ahan xagjirnimada Mansabyada ay haystaan Rooboow iyo Axmed Madoobe?

Dagaalka Nabad diidka+Mansabka Nabadiidka iyo Abaal marintiisa Mustaqbalka??!!

Axmed Madoobe iyo Rooboow oo haysta Mansab iyo Dhaqaale,iyagoo qoslaya oo Sacab loogu xoojinayana ay fadhiyaan Shir Hotel qurux badan lagu qabtay saw dhiirigelin uma noqon karto xagjirnimada iyo laynta Shacabka in lagu fuulo maqaam sare?

“In aan laga qoomamayn waxii dhacay oo si fudud loo ilaawo lagana qaado farxad iyo qosol waa fariin si kale ah,waxay ahayd ugu yaraan in Axmed iyo Rooboow meel dhaqancelin ah oo gaarka ah lagu hayo”Ayay qabaan Dad badan.

Mukhtaar Rooboow oo ahaa Afhayeenkii Argagixisada,ayaa ku tilmaamay Qaraxyo lala beegsaday Arday oo ay ku naf waayeen tiro badan oo Ardaydaas ah in lala eegtay Murtadiin iyo Gaalo raacyo.

Sidoo kale Axmed Madoobe,waxuu mar soo noqday Amiirka Alshabaab goobtana,waxuu ka sheegay mudo uu xirnaa in Alshabaab Lacag joogta ah usoo diri jireen.

Su’aashu waxay tahay sidee looga dhaadhicin karaa in ay joojiyaan hawlahan kana soo tagaan fikradan xun Wiilasha ujeeda hogaamiyayaashoodii hore oo Dhaqaale iyo Mansab ku gaaray laynta Bulshada??

Jibril Qoobey.