Ruushka oo Korontadii iyo Biyihii ka jaray Caasimada Ukrain

Ruushka,ayaa sii xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, gaar ahaan isaga oo waxyeello ballaadhan soo gaadhsiiyey xarumaha korontada iyo biyaha ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla.

Weeraradan ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ruushku uu ku eedeeyey Ukraine inay weeraro ku qaaday maraakiibta Ruushka ee ku usgan badda madow.

Duqa caasimadda Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay caasimaddu inay gooyeen korontadii iyo biyihii qaybo badan oo ka mida magaalada, taasoo keentay in 80% shacabka ku nool caasimaddu inaanay haatan haysan biyihii qasabadda.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ukraine oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa cambaareeyey weeraradan. Dhinaca kalena, ciidamada Ukraine oo barta ay ku leeyihiin Telegram, qoraal ku soo qoray ayaa sheegay in dhawr duqaymood oo dhinaca cirka ah in Ruushku uu la beegsaday kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, isaga oo duqaymahaas u adeegsaday illaa 50 gantaal oo waaweyn, hase ahaatee waxay sheegeen inay ku guulaysteen inay soo ridaan 44 gantaal oo ka mida 50-kaas gantaal.

Ciidamada Ukraine ma beenin mana sheegan weerarka uu Ruushku ku eedeeyey ee la xidhiidha inay bartilmaameedsadeen maraakiibtiisa ku sugan badda madow.

VOA.