Faallo:-Qawdhanoow Ilmada Yaxaaska jooji oo Sool usoo istaag.!!

Doraad Faroole oo Madaxweyne ah,ayuu ahaa Ninkii fogeeyay Beesha Dhulbahante oo si cad Gacmaha ugu qabtay Beesha Isaaq.

Shalay,iyadoo la dagaalamayo oo hadafku yahay in Laascaanood dib loo qabto Gaasna hogaaminayo Faroole,ayuu ahaa Ninkii Shirka jaraa’id qabtay oo ku dhawaaqay in dagaalkaas xaaraan yahay Ciise Maxamuudna ugu baaqay in aysan gelin.

Saaxo-meygaag Maleeshiyaadkii Beesha Xasan Ugaas,waxaa Biili jiray una diri jiray Saadka Xasan Shire si loo kala fogeeyo Beelaha wada dega.

Maanta Boocame Maleeshiyaadka Ina Canbaashe ee yimid,waxaa Lacagta udiray Aaran-jaan si Deni loogu xumeeyo.

Qowdhan dhamaan waa xiriiriyaha qorshayaashaas,isagaana dhaqaalaha loo dhiibaa,sida kii ugu danbeeyay ee Boocame.

Hankiisu waa in uu Madaxweyne xigeen unoqdo Xasan Shire Abgaal haduu Madaxweyne noqdo.

Kulankii Eyl ee Raga Ilmo Adeerta ah ku tashanayeena waa dhex fadhiyay,isagoon la aqoon Beesha uu matalayay.

Qowdhanoow Ilmada Yaxaaska intaad joojiso Sool halka ay ka dhaqaaqi wayday waa Aaran-jaan ee ka har soona raac Dimuqraadiyada iyo PL waxii ka ba’asan hagaajisata.

WQ.Jibril Qoobey.