Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanada Labada Gole Ee Fadaraalka oo kulmay

Kulan,ayaa dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanada PL ku matala Labada Gole ee Fadaraaliga ah.

Sadex Qodob,ayaa ku saabsanaa si guud markii loo eego..

1.Xildhibaanada oo Madaxweynaha kula dooday in uusan la tashan kana tixgelin talada Dalka.

2.Soo gelintaanka Maleeshiyaad SL ay taageerto ee Boocame.

3.Hanaanka Dimuqraadiyaynta.

Madaxweynuhu,waxuu uga jawaabay la tashi la’aanta lagu eedeeyay in Xildhibaanadu masuul ka yihiin oo aysan usoo jeedin danta Guud mid walbana tiisa eryanayo.

Arinka SL ee Boocame,waxuu kaga jawaabay in si gaar ah PL uga jawaabayso oo Warmurtiyeedkii Golaha kasoo baxay uu ahaa mid guud oo Somaliyed.

Xildhibaanada qaar,ayaa ku dooday waliba Siciid Daahir oo Sanaag laga soo doortay,ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha in uu saxiixay Warmurtiyeedka lagu amaanayo SL oo Weerar ah mudo kororsina samaysay.

Dimuqraadiyaynta,waxaa laysla qiray in Shacabweynaha reer PL ay wada rabaan jirina cid diidan balse loo baahan yahay gogol in la fidiyo laguna casumo haldoorkoo idil.

Xildhibaan Xaange,ayaana si faahfaahsan usharaxay inkastoo Madaxweynaha erayo qalafsan ay isdhaafsadeen.

Si guud kulankaas waa loo baahnaa,waana bow fiican.

Jibril Qoobey.