Shabaab oo Shaqaale Caafimaad kasoo Afduubtay Kenya

Booliiska dalka Kenya,ayaa sheegay in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ay ka afduubteen meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari dalkaasi, xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka.

Booliska saldhiga Lafey ee Mandhera,ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baaburka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Somaliya.