Sweden oo aqbashay shuruudihii Turkiga Ee kusoo biirista Nato

Dowladda cusub ee Sweden ayaa iska fogeyn doonta maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG, iyadoo isku dayeysa in ay ku guuleysato in Turkigu uu u oggolaado in ay ku biirto isbahaysiga NATO, sida uu Sabtida maanta ah sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

Maleeshiyada Kurdiyiinta Syria ee YPG iyo garabka siyaasadda ee PYD ayaa waxa uu Turkiga u arkaa qeyb kale oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), kaasi oo sanadkii 1980-kii bilaabay kacdoon ka dhanka ah Turkiga, iyadoo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub ay PKK u aqqoonsadeen koox argagixiso ah.

Sweden, Maraykanka iyo dhowr dal oo kale oo ka tirsan xulufada NATO ayaa ku taageeray YPG dagaalkeeda ka dhanka ah kooxda Daacish.

Hase ahaatee, Turkiga ayaa wacad ku maray in uu is-hortaagi doono codsiga Sweden ee ku biirista NATO, haddii aysan Sweden joojin taageerada ay siiso kooxdan hubeysan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden Tobias Billstrom ayaa ua sheegay idaacadda Swedish Radio in ujeedka ugu weyn ee Sweden uu yahay in ay xubin ka noqoto NATO.

Tallaabadan ayaa ku aadeysa maalmo yar uun ka hor oo uu Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson u tagayo magaalada Ankara si uu isugu dayo in uu madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ku qanciyo in uu oggolaado in Sweden ay ku biirto isbaheysiga NATO.

Sweden iyo Finland ayaa horraantii sanadkan codsaday in ay ku biiraan NATO, taasi oo ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Dalabka ayaa waxaa ansixiyay 28 dal oo ka mid ah 30-ka wadan ee xubnaha ka ah NATO. Finland iyo Sweden ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay rajo ka qabaan in Hungary ay sidoo kale ka tanaasuli doonto diidmadeeda ka dhanka ah codsiga dalalkan ee Ku biirista NATO.

REUTERS