Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ahayd codsi ka yimid ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan meel ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka dambeysay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Mareykanka waxaa uu sheegay in duqeynta oo dhacday 3-dii Bishaan November ay kudileen 15 dagaalame oo katirsan ururka Al-Shabaab, balse aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Maraykanka oo ah saaxiib si weyn Soomaaliya uga taageera weerarada cirka, isagoo haatan kaalin muuqata ka qaadanaya dagaalada ka socda gobolka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayaa waxaa kula soo biiray dowladda turkiga oo duqeymo ka fulisay meelo kamid ah gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.