Puntland iyo Jarmalka oo kawada hadlay iskaashiga Labada dhinac

Nairobi : 08 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan Kula qaatay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali iyo Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Mr. Sascha Andreas Kienzle ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Dowladda Jarmalka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland, Iyadoo Dowladda Germany sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Puntland ku taageerto Doorashooyinka dimuqraadiga ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amb. Sebastian Groth iyo Dowladda Germany, taageerada iyo Iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida Mashaariicda ay ka taageeraan Hay’adaha Dowladda Puntland iyo doorkooda ku aadan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.