Madaxweynaha Somaliya oo markii Labaad booqasho ku tagey Eretereya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku sugan yihiin kumanaan askari oo Soomaali ah.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in madaxweynaha uu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay goor sii horreysay soo saartay ku tiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.”

Sida ay sheegtay Villa Somalia, Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Eritrea Isias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.

Waa socdaalkii labaad ee madaxweynaha uu ku tago Eritrea, isaga oo sidoo kale horey u booqday 9-kii July 2022.

Dalka Eritrea ayaa waxaa muddo sanado ah ku sugan illaa 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo halkaas ay tababar ugu dirtay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh, oo intii aan la dooran ballan-qaaday inuu askartaas dalka kusoo celin doono, ayaa weli wada dadaalladaas balse weli kuma guuleysan in lasoo celiyo.