W.Arimaha Gudaha oo iskugu yeertay Gudoomiyayaasha 9-ka Gobol

Garowe, November 14, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaasha 9ka Gobolka ee Dawladda Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, xoojinta xiriirka Gobolada iyo Degmooyinka, dardargelinta amniga iyo arrimaha Bulshada.

Guddoomiyaasha Gobolada ayaa mid mid uga warbixiyey xaaladda Gobolada, sida nabadgelyada iyo abaaraha, ka hortga khilaafaadka soo dhexgala beelaha iyo joojinta Deegaamaynta cusub.

Intii shirku socday ayaa waxaa looga dooday xoojinta yaraynta khataraha Deegaanka iyo isku xirka Shacabka iyo Dawladda iyada oo loo wada shaqaynayo sida ugu wanaagsan.

Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi-Wanaaagsan waxaana soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.