Axmed Karaash oo Shir Gudoomiyay Shirka Maamul baahinta

Garoowe: 16 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka maamul baahinta Puntland.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca maamul baahinta Puntland,ayaa looga hadlay..

1.Xaalada maamul baahinta Puntland.

2.Dib-u-milicsi lagu sameeyey maxsuulka kasoo baxay shirkii IMC-da ee qabsoomay 20kii June 2022.

3.Soo jeedinta xeer-nidaamiyaha wareejinta lacagaha (Inter-governmental Fiscal Transfer IGFT Regulation) oo ah xeer loogu tala-galay maareynta wareejinta lacagaha ay dowladda dhexe u wareejiso dowladdaha hoose.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.