Dowlada Puntland Oo Gudi Aas-qaran ah usaartay Aaska Garaad Saleebaan

Garoowe: 18 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magacaabay guddiga Aaska Qaran ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.

Guddiga ayaa kala ah :

  1. Cabdi Faarax Siciid Juxa: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Guddoomiye).
  2. Cabdisamad Maxamed Gallan: Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
  3. Maxamed Cabdiraxmaan: Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
  4. Maxamuud Caydiid Dirir: Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyada, Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
  5. Jaamac Faarax Xasan: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
  6. Cabdullaahi Maxamed Xasan: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  7. Ilyaas Cismaan Lugatoor: Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Garoomada.
  8. Gen. Muumin Cabdi Shire: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
  9. Cawil Xasan Mataan: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
  10. Cabdulqaadir Maxamed Geedi: Duqa Degmada Garoowe. DHAMAAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.