Miisaaniyada Dowlada Puntland Oo duuduub lagu ansixiyay

Miisaaniyada Dawladda Puntland ee Sannadka 2023,ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar).

Kororka Miisaaniyadda,ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore.

Ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkan waxa uu noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligan oo ku xaroonaya Saddex iyo Toban Madax oo ka kala imaanaya dhammaan Gobollada Puntland.

Su’aalaha jawaabta ubaahan?

Ilaha Dakhliga Guduhu kasoo xaroonayo waa kuwee?

Ilaha Dakhliga dibada kasoo xaroonayo waa kuwee?

Halkee ka yimid Kororka Miisaaniyada ee la helay?

Sidee ukala leeyihiin hay’adaha Dowladu Miisaaniyada?

Tusaale”

Miisaaniyada Madaxtooyada?

Miisaaniyada W.Caafimaadka ?

Miisaaniyada W.Amniga?

Miisaaniyada W.Waxbarashada?

Fadhiga Baarlamaanka oo ay goob-joog ka ahaayeen 42-Xildhibaan,ayaa Cod gacan-taag ah si duuduub ah ku ansixiyay Miisaaniyada.

HAA,41-Xildhibaan

MAYA,1-Cod

Aamusna ma jirin.

Jibril Qoobey.