Hanti-dhowraha guud Oo daabacay warbixin sannadeedka 2021 Ee maaliyada Dowladda Somaliya

Hanti-dhowraha guud ee Fadaraalka Somaliya,ayaa daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda maaliyadeed ee dawladda Soomaaliya.

Warbixintan hanti-dhowraha ayey ka muuqdaan khaladaad dhinaca maaraynta kharashaadka dawladda, qandaraasyada, iyo maamulka lacagaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya, iyo weliba kabka miisaaniyadda.

Hnati-dhowraha,ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameeyey 29 isugu jira wasaarado, iyo hay’ado dawladeed oo kale iyo laba safaaradood. Waxa uu sheegay in miisaaniyadda sannadkii 202-ka ay ahayd $666 milyan oo dollar laakiin baaritaankan uu ku sameeyey $382 milyan oo dollar.

Hanti-dhowraha,ayaa sheegay in dhammaan 29 hay’adood ee uu baaray aanay lahayn qorshe uga degsan kharashaadka soo gala. Waxa uu sheegay inay hay’dahaas soo gashay lacag dhan $106 milyan oo dollar.

Waxa uu sheegay oo kale in lacag dhan $5 milyan oo dollar lagu shubay akownno ka baxsan khasnadda dhexe ee dawladda oo aan oggolaansho loo haysan.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale sheegay inay jireen 105 heshiis oo ay galeen hay’adaha dawladda kuwaasi oo lagu qiimeeyey $14 milyan oo dollar oo aan laga diiwaangelin xafiiska hanti-dhowraha.

Sidoo kale waxaa warbixintan hanti-dhowraha ku qoran inuu baaray sida loo kharash gareeyey lacag dhan US $1,327,780, uuna ogaaday in 8 ka mid ah 29-ka hay’adood ee dawladda aysan caddaymo kaabaya u haynin kharashaadka ka baxay.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda maaliyadda ay lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo amaahdas ay u baahnayd inuu baarlamaanku ansixiyo, hanti-dhowrku aanu arkin isla markaana aan la siinin wax caddaymo ah oo muujinaya in amaahdaas uu baarlamaanku oggolaaday, ama heshiisyada amaahda ee la galay.