Dowlada Itoobiya oo iibinaysa Warshado waa weyn oo Hanti Qaran ahaa

Itoobiya,ayaa shaacisay in ay iibinayso siddeed Warshadood oo ay Dowladu lahayd.

Warashadahan,ayaa laga iibinayas Shaqsiyaad gaar ah oo maalqabeena ah.

Waxaa ka mid ah Warshadaha la iibin doono Warshada Sonkorta.

Qaybo kamid ah saamiga Shirkada isgaarsiinta ee Ethio-Telecom,ayay Dowladu horay ushaacisay in ay iibinayso.

Ra’isalwasaare Abiy,ayaa la yimid qorshayaal furfurid dhaqaale markii uu talada dalkaas qabtay,inkastoo aysan wax badan ka dhaqaaqin.

Itoobiya,waxay gashay Laba Sano oo colaad sokeeye ah,waxaana burburay dhaqaalihii,iyadoo sicirbararku marayo halkii ugu sareeyay Abid taariikhda Itoobiya.

Reer Galbeedka oo si weyn ukabi jiray Miisaaniyada Dalkaas,ayaa hakiyay kabidoodii kadib dagaalka Tigreega,inkastoo dhawaan uu dhacay heshiis.

Dadka dhaleeceeya hogaaminta Abiy,ayaa ku dooday sababta uu u iibinayo Hantida Qaranka in ay tahay helida Lacag cadaan ah.