Muuse Biixi Oo Xilal magacaabay xili sharciyadiisa lagu muransan yahay

Muuse Biixi Cabdi,ayaa sameeyay Magacaabis heer Wasiira ah,iyadoo muran ka taagan yahay mudo xileedkiisa dhamaaday.

13-kii Nov,waxaa ku ekaa mudo xileedkii sharciga ahaa ee loo doortay Muuse Biixi hogaaminta Somaliland.

2-sano,waxaa ugu daray Golaha Guurtida oo laftigoodu 5-sano ku darsadsy mudo xiloodkooda.

Labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo Ucid,ayaa si adag udiiday mudo kororsigaas,waxayna si cad usheegeen in aysan Muuse iyo Xukuumadiisa u aqoonsanayn Dowlad sharciyad haysata.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo mudo kororsigaas laguna dalbanayo Doorasho Madaxweyne,ayaa dhacay,kuwaasoo weliba Dad ku naf waayeen.

Sida muuqata diidmadii Mucaaradku ma hor istaagin hankii Muuse,waxaana si caadiya ufulaya qorshayaashii uu dajiyay.

Kala saaridii Ururada,ayaa soo idlaaday,waxaana Gudiga Doorashada loo gudbiyay 10 Urur oo ay ku jiraan Labada Xisbi ee Mucaarid.

Ujeedku waa in la qabto Doorashada Ururada Siyaasada ee 10-kii sano mar dhacda,waana mida Mucaaradku ku doodayeen in ay ka horayso tan Madaxweynaha.

Muuse Biixi,waxuu diiday Doorashada Kursiga uu ku fadhiyo,waxuuna rabaa in uu qabto Doorashada Kuraasta ay ku fadhiyaan Cirro iyo Faysal.

WAREEGTOOYIN Muuse soo saaray”

23 /11/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Xasan Axmed Aadan
    Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka

Mudane,

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

  1. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
    Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

Mudane
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.