Machadka Farsamada Gacanta Garowe Oo qaadanaya Arday cusub Oo Lacag la’aan ah

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Waxbarasho lacag la’aan ah (Free Engineering Courses)

Machadka Sare Farsamada Gacanta ee Garoowe-Garowe Polytechnical Institute (GPI) oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland iyo Hay’adda GIZ waxa uu ogeysiinayaa bulshada Jecel Barashada Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta in Machadku bixinayo waxbarasho lacag la’aan ah, taasoo loo qaadanayo arday cusub oo baran doonta qeybaha kala duwan ee Engineering-ka kuna qaadan doonta heerka dibloomada.

Wuxuuna Mac’hadku u qaadan doonaa Arday Cusub Dibloomooyin Injineerin ah sida:
1) Diploma in Agricultural and Animal husbandry-Dibloomada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
2) Diploma in Interior Design and Decoration–Dibloomada Nakhshadeynta & Qurxinta dhismaha.
3) Diploma in Renewable Energy-Dibloomada Tamarta la cusboonaysiinkaro (Solar Energy).

Mac’hadka GPI wuxuu xirfado iyo farsamooyin kala gedisan baray soona saarey boqolaal dhalinyaro ah, badina dhalinyaradaas waxay maanta ka shaqeystaan Gobolada Puntland.
SHURUUDAHA ARDAYDA MAC’HADKU QAADAN DOONO:

1) Waa in uu ardaygu dhamaystay Dugsiga dhexe lana yimaada Shahaadada Dugsiga Dhexe oo asalkii ah (Original), soona raaciyaa 2 Sawir oo teesare ah.
2) Waa in uu qaataa Foomka Isdiwaan-gelinta iyo Ogolaanshaha (Admission Form) soona buuxiya inta isqoristu socoto, waxaana foormkaas laga qaadanayaa Xafiiska Diwaangelinta Machadka (GPI Registry Office).
3) Waa in uu fariistaa kuna baasaa Imtixaanka Aqbalaada (Admission Exam).
Isqoristu way socotaa, waxaana Machadku qaadanayaa arday kooban. Hadaba yaan lagaa buuxin fursadaan qaaliga ah.

………..Mahadsanidiin………………..
Xafiiska Diwaan-hayaha Mac’hadka Sare ee Farsamada Gacanta Garoowe
[10/15, 09:31] Osman: (GPI- Registry Office)
Mac’hadku wuxuu u dhexeeyaa Jamacada PSU iyo Dugsiga Sare ee Gambool

Wixii faahfaahin ah kala xiriir: +25290-907610288//+252906278693
E-mail:garowepolytechnic@gmail.com.