Madaxweyne xigeenka Puntland Oo uhanbalyeeyay doorashada Gudoonka PUNSAA

Garoowe: 28 Nofeember 2022: Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee PUNSAA Mudane Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan.

Ku-simaha Madaxweynaha oo garowsan muhiimadda ay Dalladu u leedahay bulshada Rayidka ah ayaa bogaadiyey maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Faysal Qaran, waxa uuna hogaanka cusub kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan shaqada loo hayey bulshada, isaga oo xusay in dowladdu si dhow ula shaqayn doonto masuuliyiinta la doortay si loo xoojiyo horumarka bulshada loona gaadho guulo badan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Guddiga doorashada, Ergada ka qayb gashay doorashada, Musharaxiintii tar-tamay iyo cid walba oo gacan ka geysatay door kooda wanaagsan ee ay buuxiyeen.

Ugu dambayn, Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa Alle uga rajeeyey hogaanka cusub ee la dooratay inuu u fududeeyo masuuliyada ay qaadeen.