Faallo:-Xeerka Jinsiga Ee dooda weyn dhaliyay

Habka loo qoray,ayaa umuuqda mid balaaqadiisu gaaban tahay ee si caadiya markii loo eego wax Diinta iyo dhaqanka ka hor imaanayaa kuma jiraan Hindise Sharciyeedkan.

“Qof walba oo kufsada Qof kale,ciqaabtiisu waa 10-sano ilaa 25-sano oo Xabsi ah”

Muhiimada Sharcigu qeexayo waa intaas ceebna ma’ahan,waabase loo baahnaa in xeer adag kufsiga laga soo dajiyo.

Kufsigu,waxuu ku dhici karaa Gabar ama Wiil sidaan aragnay in badan.

In Wiil la kufsado ma’ahan wax lala yaabo oo fajaciso ka ah Somaliya ee waa wax soo dhacay,hada dhacay oo dhici doona oo ay tahay in Xeer laga samaysto.

Mida kale ee muhiimka ah oo ubaahan in la fahmo waa..”Maxaa Kufsi loo aqoonsadaa?”

Waxaa Kufsi ah Galmo walba oo aan raali laysaga ahayn oo xataa ay ku jirto baryo xooglaynta Dumarka lagu sameeyo.

Galmo dhexmarta Rag bataatanba waa Xaraan Diinteena iyo dhaqankeena,balse Labadii Qof ee isqarsata oo raali isaga ah rabi baa kula xisaabtamaya.

Sidoo kale Gabar iyo Nin haday si hoose uheshiiyaan rabi baa kala xisaabtamaya.

Balse waxa lala dirirayo waa is khasabka ee ma’ahan is ogolaanshaha.

Is ogolaansho ka hor imaanaya Diinta Islaamka si sax ah waxaa nooga filan la xisaabtanka Eebe ee aan la hurayn.

Sharcigan waa umuhiim Dalka iyo Dadka ansixintiisu.

Sacdiyo Salaad waxay ku guuldaraysatay si faahfaahsan oo la fahmi karo in ay usharaxdo waxa hindise sharciyeedkan yahay oo uu ku qotomo.

Halkan ka akhriso Hindisaha:-