Maxay yihiin TPP Ama Taalibaanka Pakistaan?

TTP,waxaa loogu yeeraa Taalibaanka Pakistan.

Waxaa jira kooxo yaryar oo badan oo hoos yimaada Ururkan oo la sameeyay 2007.

Tehreek-e-Taliban Pakistan,ayaa 14-kii sano ee ugu danbeeyay u dagaalamaysay sidii dalkaas looga dhaqangelin lahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.

TTP,ayaa doonaysa in Dowladdu ay sii deyso xubnaha u xiran, isla markaana ay yareyso joogitaanka ciidamada ee deegaannadii ay markii hore joogi jireen.

Maadaama TTP ay ku hawlan tahay in ay sare u qaaddo awooddeeda aagaggaas, ma rabto in ciidan laga helo meelahaas.

TTP waxa ay doonaysaa in ay xukunkeeda ku maamusho deegaannadaas, sababtaas awgeed ciidanku waxa ay sii wadaan in ay iska hor-imaadyo dhexmaraan.

Wariye sare Saqlain Imam ayaa leh, “Tehreek-e-Taliban Pakistan ma aha hal Urur,waxaa ku jira kooxo yaryar oo badan,waxay doonaysaa in la dhimo saamaynta Pakistan ee FATA iyo gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka. Dowladda Pakistan-na waxay dooneysaa inay dejiso oo ay yareyso saameyntooda”.

Waxa uu yiri, “Tani, waxay sidoo kale bilowday dejinta xubnaha TTP ee Swat, Bajaur iyo Kurram, laakiin halkaas waxaa ka bilaabatay inay isku dhacaan dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay sida Shia Pathans. TTP ayaa sidoo kale bilowday beegsiga beelaha laga tirada badan yahay,Taasi oo ay keentay in Dowladda Pakistan ay mar kale ka istaagto go’aan adag arrintaa.

Guud ahaan, TTP waxa ay doonaysaa in ay Pakistan ka samayso boqortooyo Islaami ah. Taas awgeed waa in Ururkan uu afgembiyaa dawladda Pakistan ee hadda jirta. Marka waxaa hubaal ah in iska horimaadyada Ciidamada Dowladda iyo kooxdan ay dhacayaan.