Booqashadii Madaxweyne Xasan Ee Bosaso Oo dib udhac ku yimid

Booqashadii Madaxweyne Xasan ee Bosaso,waxaa dhici karta in ay dib udhacdo.

Labada Madaxweyne ee Xasan iyo Deni,ayaa kaga wada hadli doona kulankooda Xamar.

Bishan 4-teeda,ayaa la filayay in ay dhacdo booqashadaas,balse way ka dib dhacday.

Madaxweyne Xasan oo booqan doona Jabuti maalmaha nagu soo aadan,ayay ubadan tahay soo laabadkiisa inta uusan ugudbin Maraykanka in uu Bosaso ku hormaro.

Shirka Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacaya isla Maraykanka,ayuu ka qaybgalayaa Madaxweyne Xasan,isagoo soo mari doona inta uu joogo Maraykanka Taksis iyo Minisota.

Socdaalkiisa Bosaso,ayaa ku kooban xariga jarid iyo dhagax-dhig Mashaariiceed.

Jibril Qoobey.