Deni Oo aqbalay la kulanka Ururada Siyaasada Puntland

Madaxweyne Deni,waxuu soo faray Wasiiradii dardargelinta Doorashada uqaabilsanaa Xukuumada..

” Ururada waxaan la kulmayaa markaan Xamar kasoo laabto oo aan Beri ukicitimayo”.

Waa qabsoomay kulankii Caawa ee Gudiga Wasiirada ka kooban ee Xukuumada uqaabilsan socodsiinta Doorashada iyo Ururada Siyaasada.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga Doorashada,waxaa lasoo xiriiray Gudiga uqaabilsan Wadamada BC ee taageera doorashooyinka,waxayna ku dhiirigeliyeen in uu dhagaysto Ururada soo jeedintooda.

Hadii ay fusho balanta Madaxweynuhu qabtay,waxay noqon doontaa Dimuqraadiyadii oo loo hiiliyay.

Waxaa laga rabaa Dowlada iyo Ururada in ay kulmaan oo isla fahmaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen qabsoomida Doorashada qorshaysan.

Jibril Qoobey.