Wax ka badalka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah Oo doodiisu ka socoto Baarlamaanka Puntland

Garoowe, December 06, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajandaha fadhiga,ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhallinyaradda yo Ciyaaraha DPL, kadibna lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada.

Guddiga ayaa kusoo sameeyay akhriska 2aad kadib la tashiyo ay la yeesheen dhammaan dhinacyadda uu Xeerka saameynayo, waxayna Kaabis iyo wax-ka-bedel ku sameeyn 38 qodob, iyagga oo ku kordhiyeen 9 qodob oo cusub, Xeerka ayaana ka kooban 56 Qodob.

Ujeeddooyinka Xeerka ayaa ah ilaalinta u sinnaanta fursadaha shaqo ee Dawlad, ilaalinta iyo maareynta Xogta Shaqaalaha iyo suggida arragtida Siyaasada maamul ee horumarinta habsami u socodsiinta shaqada Dawladda iyo daryeelka shaqaalaha.

Sidoo kale, waxa uu Wax-ka-bedelka xeerka si faah-faahsan uga hadlaya dhammaan qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Rayidka, heerarka aqoontooda, shuruudaha ka mid noqoshada shaqaalaha Dawladda, magacaabista, dhiira-gelinta dallacaadaha iyo mushaarkooda.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada ayaa maalmaha fasax shaqaalaha Dawladda waafajiyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 37aad, farqada 4aad oo u dhigan “ Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa ciidaha ee qaanuunku jideeyay. Haweenka waxaa intaas u dheer fasaxyada dhalmada iyo naas-nuujinta.” Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska dhimi mayaan xuquuqdooda mushaar.” taas oo meesha ka saaraysa maalmaha fasax ee Xukumadda soo gudbisay kuwaa oo ahaa Jimce & Sabti.

Dooda xeerka ayaa sii socon doonta illa maalinta berri ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland